Spring til indholdet
Frivillig i Dansk Flygtningehjælp
Bliv frivillig
Oversigt på flere sprog

Caawimaad loo fidinayo adigoo ah qaxooti ama asalkaagu kasoo jeedo dadka wadankan lagaga tiro badan yahay | Somali

Goobaha ama shabakadda iskaa-wax-uqabsada ee Hay’adda Caawinta Qaxootiga DRC waxaad ka heli kartaa hadada tahay Qaxooti ama qof kasoo jeeda dadka lagaga tiro badan yahay wadankan caawin.

Det kan du få hjælp til

Waxaa lagaa caawin ama gacan lagaa siin karaa

 

Dhammaan kaalmooyinkaas waxaa sameeya shabakad ama dad iskaa-wax-u-qabso ah  sidaa awgeed ayay kala duwan yihiin caawinta iyo kaalmooyinka aad ka helikartid goobaha ama shabakadaha kala duwan ee aanu leenahay.

Waa maxay qofka Iskaa-wax-u-qabso

 Waa qof si iskaa-wax-u-qabso ku shaqeeya oo doonaya inuu ka caawiyo adiga iyo qoyskaagaba  noloshiina wadankan Danmark. Qofkaas iskaa-wax-u-qabsaha ku shaqeynaya kama socdo dawladaha hoose ama hay’adaha dawladda, mana qaato wax mushaar ah.

Qofka iskaa-wax-u-qabso ku shaqeeya waxuu caawin karaa adigoo wadanka Danmark ku cusub oo kol dhow yimid iyo haddii aad horey usii joogtay sanado badan labadaba. Qofka iskaa-wax-u-qabso ku shaqeeyaa waxaa saran korkiisa waajibka ilaalinta xogta ama ilaalinta sirta sidaa awgeed waxaad kawada hadli kartaan wixii qof ahaan gaar kuu ah.

Hvilken støtte er der tæt på dig?

Noocee caawin ah ayaa ii dhow?

Goobo ama shabakado iskaa-wax-u-qabso oo badan ayaan ku leenahay guud ahaan wadanka, kuwaas oo kaa caawin kara waxyaabo kala duwan.

Garaac telefoonka ama wac shaqaalahayga si aad u ogaato kaalmada ama caawinta degaan ahaan kuugu dhow ee aad helikartid.

caawintaasi waxay noqon kartaa in lagaa kaalmeeyo sidaad tababar ama layli ugu qaadan lahayd afka Daanishka ama casharada looga caawin lahaa adiga iyo caruurtaadaba. Waxaa kale oo aad ka helikartaa talo-siin iyo caawin qaabkii aad shaqo u raadsan lahayd, uqori lahayd CV-gaaga (Taxa sooyaalkaaga), u raadsan lahayd waxbarasho, u fahmi lahayd adeega e-boks, u heli lahayd MitID iyo weliba waxyaabo dheeraad ka sii ah.

Meelo badan waxaa kale oo aad ka helikartaa hawlo ay ku maararoobaan (baashaal) adiga iyo qoyskaaga sida maalin-joog meelo loogu baxo, cunto wada cunid ama cayaar. Waxaad kale oo aad mar walba cagta soo marin kartaa qofkaas ku shaqeynaya sida iskaa-wax-u-qabsaha oo aad danahaaga kala hadli kartaa.

Garaac telefoonka ama wac shaqaalahayaga si aad u heshid goobta deegaankaaga ugu dhow ee hawlaha noocaas ahi ka socdaan.

Garaac telefoonka/Wac ama qoraal u qor shaqalahayaga ka hawlgala deegaankaaga

Bisidderkorps

Wada-hadal ma laleedahay hay’adaha dawladda?

Haddii aad wada-hadal la leedahay hay’adaha dawladda waxaad heli kartaa qof wehel ah (kula fadhiista) oo kuu raaca wada-hadalkaas. Wada-hadalkaasi tusaale ahaan waxuu noqon karaa mid aad la leedahay dawladda hoose, hay’adda xuquuqda qoyska, hay’adda ajaanibta ama hay’adaha caafimaadka.

Qofka wehelka kuu noqonaya waxaad la kulmaysaa wadahadalka ka hor dabadeed waxuu kuu raaci wada hadalkaas. Qofkaas wehelka ahi waxuu kaa caawin inaad fahamtid siday wax u jiraan, dhageysan waxa la isyidhi kolkaana kaa caawin sidaad su’aalo u weydiin lahayd hay’adda kula kulantay.

Wada-hadalka kadib waxuu qofkaas wehelka kuu ahaa kaa caawinayaa wixii aad ka yeelilahayd ama ka  sameyn lahayd arrinkaas.

Qof wehel ah waxaad ku helikartaa

Adigoo garaaca telefoonka/waca ama fariin uqora Bisidderkorps.

Frivilligrådgivningen

Ma u baahan tahay la talin?

Talo-siinta bilaashka ah waxaad ka helikartaa talooyin ku saabsan sharciga dal-ku-jooga, qorshayaasha isdhexgalka, dhaqaalaha, dhibaatooyinka degaanka/guryahay iyo arrimaha qoyska.

Waxaa kale oo lagaa caawinayaa inaad fahamtid waraaqaha iyo go’aanada ay kaa gaadhaan hay’adaha dawladda, talo lagaa siiyo fursadaha kuu banaan ee aad kaga dacwoon kartid go’aanadaas iyo weliba in laguu qeexo qaabka mas’uuliyiinta dawladdu u galeen arrintaada.

Mar walba su’aal ayaad nasoo weydiin kartaa. Haddii aanan awoodin inaan kaaga jawaabno waxaan kuu raadinaynaa cid kale oo kusiin karta jawaab.

Wixii xog ah ee dheeri ah waxaad ka akhrin kartaa

Goobahan soo socda waxaad ka helikartaa talo-siin iyo tilmaamba

Fritidspuljen

Ma ugu baahan tahay kaalmo dhaqaale goobaha ilmahaagu tagaan dugsiga kadib?

Sanduuqa hawlaha dugsiyada dabadood waxaad ka codsan kartaa 1.000Kr. sanadkii, si ilmahaaga u dhaxeeya 0-17jir u tagaan goobaha ururada kala duwan iyo hawlaha dugsiyada kadib la sameeyo lagu hayo. Waxay noqon karaan kubad-cagta, sahan-tagga ilmaha (meelha ilmaha loo qaado), farshaxanka sawirada, dabaasha ama muusikada. 

Sanduuqan inaad dalab dhaqaale weydiisataa waxaa shardi u ah in adiga ama waalidka kale uu yahay arday ama shaqo la’aan sidaana aad ku qaadatid ama ku qaato lacagta ardaynimada ee SU, lacagat lasiiyo dadka dib loo celinayo, lacagta shaqo la’aanta, caydha ama lacagta hawl-gabka xilligiisii aan lagaadhin. Sanduuqani waxaa kale oo uu caawiyaa ilmaha iyagoon waalidiintooda la socon wadankan soo gala.

Sidan soo socota ayaad u codsan kartaa kaalmada dhaqaale ee hawlaha xilliyada aad firaaqada tahay

Halka guji si aad u dalbatid

Haddii aad su’aal ka qabtid qaabka aad u dalbanaysid garaac telefoonkan/wac ama fariin uqor Fritidspuljen.

Lektiehjælp online

Ma u baahan tahay fogaan-arag-maqal in lagaaga caawiyo casharada?

Bogganaga Facebook waxaad ka helikartaa in casharada lagaa caawiyo adigoo gurigaaga jooga. Waxaa ilmahaaga dhigta dugsiyada hoose/dhexe laga caawin karaa casharada. Waxaa kale oo lagaa caawin karaa casharada haddii aad dhigatid dugsiyada sare, dugsiyada afka lagu barto ama aad dhigatidba waxbarashada sare sida jaamacadaha.

Xog dheeraad oo ku saabsan sidaad ku helikartid caawin fogaan-arag-maqal ah ka raadso halkan

Sidan soo socota ayaa fogaan-arag-maqal casharada lagaaga caawin karaa 

Kolka hore xubin ka noqo kooxdanada Facebook-ga DRC Lektiehjælp online.

Markaad xubin ka noqotid waxaad soo gelinaysaa qoraal aad ku sheegaysid casharada aad doonaysid in lagaa caawiyo.

Wixii su’aal ah ee caawinta casharada sida fogaan-aragga-maqal ah ku saabsan waxaad kala xidhiidha mas’uulka mashruucaas ee Michelle Toft.

Dansk online

Ma u baahan tahay inaad layli/tababar ku sameysid afka daanisha si fogaan-arag ah?

Bogganaga Facebook-ga waxaad ka helaysaa tababare afka daanishka oo si iskaa-wax-u-qabso ah kaaga caawinaya inaad ku wanaagsanaatid ku hadalka afka daanishka.

Xog dheeri ah oo ku saabsan arrintaas ka akhriso.

 

Sidan ayaad layli ugu sameynkaraa afka daanisha si fogaan-arag-maqal ah

Xubin ka noqo kooxdanada Facebook-ga DRC Sproghjælp Online.

Kolkaad xubin ka noqotid waxaan kuu raadinaynaa qof iskaa-wax-u-qabso ku shaqeeya oo layli kugula sameeya afka daanishaka.

Wixii su’aal ah ee caawinta afka daanishka sida fogaan-aragga-maqal ah ku saabsan waxaad kala xidhiidha mas’uulka mashruucaas ee Michelle Toft.

Kontakt

Ma jiraa wax kale oo aad ugu baahantahay caawimaad ama kaalmo?

Fariin noo reeb anaga ayaa si degdeg ah kuula soo xidhiidhayna.

Siden handler om Af‑soomaali | Somali